Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Afduubkii Diyaaradda oo Soo Dhammaaday


Diyaaradda la afduubtay
Diyaaradda la afduubtay

Saraakiisha dalka Cyprus ayaa ninka afduubtay diyaaradda magaciisa ku sheegay Seif Eldin Mustafa, laakin weli ma cadda sababta ku kaliftay.

Ninkii afduubtay dayaarad rakaab oo laga lee yahay dalka Masar, oo si qasab ah loogu dejiyey dalka Cyprus, ayaa iminka la xiray sida ay sheegeen saraakiisha dalka Cyprus.

“Waa ay dhammaatay. Afduubaha waa la xiray iminka” waxaa sidaas barta twitter ku shaaciyey wasaaradda arrimaha dibedda Cyprus.

Saraakiisha dalka Cyprus ayaa ninka afduubtay diyaaradda magaciisa ku sheegay Seif Eldin Mustafa, laakin weli ma cadda sababta ku kaliftay.

Warbixinada qaar ayaa sheegaya in afduubaha uu sameeyey dalabyo la xiriira xaaskiisa oo iminka ku nool Cyprus, halka warar kalena ay sheegayaan inuu xirnaa walxaha qarxa.

Dhammaan rakaabkii saarnaa diyaaradda oo ahaa illaa 55 qof, ayaa loo ogolaaday inay diyaaradda ka baxaan.

Madaxweynaha Cyprus, Nicos Anastasiades ayaa sheegay in afduubka uusan wax xiriir ah la lahayn fal argagixiso.

XS
SM
MD
LG