Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Diyaarad laga Leeyahay Masar oo la Afduubtay


Afduube la rumeysan yahay inuu xiran yahay suun walxaha qarxa ay ku rakiban yihiin ayaa diyaaradda ku qasbay inay ku degto dalka Cyprus.

Afduube la rumeysan yahay inuu xiran yahay suun walxaha qarxa ay ku rakiban yihiin ayaa diyaarad rakaab oo laga lee yahay Masar ku qasbay inay ku degto dalka Cyprus.

Diyaaradda oo ay leedahay shirkadda Egypt Air ayaa waxaa saaran 55 qof oo rakaab ah.

Wasiirka duulista rayidka Masar, Sherif Fathy ayaa sheegay in kadib wada xaajood, dhammaan rakaabkii saarnaa diyaaradda marka laga reebo toddoba qof, lasii daayey.

Waxaa weli diyaaradda dhexdeeda afduub ahaan loogu haystaa afar ka mid ah shaqaalaha diyaaradda iyo saddex qof oo rayid ah.

Diyaaradda ayaa kasoo duusha magaalada Alexandria ee dalka Masar, waxaana ay ku ku wajahneyd magaalada Qaahira ee caasimadda ah.

Fathy waa uu diiday inuu shaaciyo qofka afduubtay diyaaradda, wuxuuna sheegay in afduubaha uusan wax dalab ah sameyn.

Madaxweynaha Cyprus, Nicos Anastasiades ayaa sheegay in afduubka uusan wax xiriir ah la lahayn fal argagixiso.

XS
SM
MD
LG