Isku xirrada

Pakistan: Dhimashada 70 Qof oo loo Baroordiiqayo


Haween Kirishtan ah oo u baroordiiqaya dhimashada ehaladooda

Haween Kirishtan ah oo u baroordiiqaya dhimashada ehaladooda

Dadkan ayaa lagu dilay weerar is-miidaamin ahaa oo Taalibaan ay ka fulisay magaalada Bari ee Lahore, kaasi oo lagu bartilmaameedsaday dad Kirishtan ah.

Pakistan ayaa waxa ay maanta u baroordiiqeysaa ugu yaraan 70 qof oo lagu dilay weerar is-miidaamin ahaa oo Taalibaan ay ka fulisay magaalada Bari ee Lahore, kaasi oo lagu bartilmaameedsaday dad Kirishtan ah.

Saraakiil caafimaad ayaaa sheegay in ugu yaraan 30 carruur ay ka mid yihiin dadka dhintay.

Qaraxa oo ka dhacay meel dadka isugu yimaadaan ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 300 oo qof. In badan oo ka mid ah dhibanayaasha waa bulshada kirishtanka oo u dabbaal degayey maalinka Easter.

Afhayeen u hadlay milatariga ayaa maanta sheegay in hay’adaha amniga ay fuliyeen dhowr howl-gal oo hoggaamiyey xariga dad lagu tuhunsan yahay argagixisanimo iyo kuwa caawinayey.

Afhayeenka waxa uu sheegay in kooxda fallaagada ee Taalibaanka Pakistan ee Jamaatul Ahrar ay sheegatay mas’uuliyadda weerarka, ayada oo intaas ku dartay in loola dan lahaa dadka kirishtanka.

XS
SM
MD
LG