Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Magaalada Palmyra oo Daacish laga Qabsaday


Ciidanka Suuriya iyo falaagada ay xulufada yihiin, kuwaas oo taageero ka helaya ciidanka cirka ee Ruushka ayaa dib u qabsaday magaalada taariikhiga ah ee Palmyra afka Carabigana lagu yiraahdo Tadmur.

Ururka xuquuqda aadamaha ee Suuriya ee fadhigiisu yahay dalka Britain ayaa sheegay in 400 oo dagaalyahan oo ka tirsan ururka ISIS dagaalkaas lagu dilay. Dhinaca kalena waxa ururkan xuquuqda aadamuhu uu sheegay in 180 iskugu jira ciidanka Suuriya iyo falaagada gacan-saarka la leh, iyagana dagaalka lagu dilay.

Telefishinka dawladda Suuriya ayaa saaka si toos ah magaalada Tadmur wararka uga soo tabinayey. Waxa la arkayey waddooyin maran iyo taalooyin dhaawac soo gaaray.

Warbixin arrintaas ka haldaysa hoosta ka dhageyso.

Dhageyso Qabsashada Tadmur
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:29 0:00

XS
SM
MD
LG