Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Xasan oo Tagay Beledweyne


Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynaha ayaa isku dayaya inuu ugaasyada iyo waxgaradka gobalka Hiiraan ku qanciyo in ay qeyb galaan shirka Jowhar.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa maanta oo jimco ah tagay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha ayaa isku dayaya inuu ugaasyada iyo waxgaradka gobalka Hiiraan ku qanciyo in ay qeyb ka qaataan dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, oo shirkiisa uu ka furan yahay magaalada Jowhar.

Safarka Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehlinaya wasiirka amniga qaranka Cabdirisaaq Cumar Maxamedwaxaana horey magaalada u sii joogay wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Cabdraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa.

Shirka maamulka loogu sameynayo labada gobal oo horaantii sanadkan ka furmay magaalada Jowhar ayaa waxa uu u xayiran yahay beel ka mid ah beelaha Gobalka Hiiraan oo saluug ka muujiyay qaabka shirka loo agaasimay

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo horraantii toddobaadkan tagay magaalada Beledweyne, ayay waxgaradka gobolka sheegeen inay is afagaran waayeen.

XS
SM
MD
LG