Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Askari Turkish ah oo Lagu Dilay Qarax Baabuur


Qaraxa ayaa dhacay markii jabhadda Kurdish-ka ee PKK ay weerar ku qaaday saldhig milatari oo ku yaalla magaalada Lice.

Qarax baabuur oo ka dhacay Koonfurta Bari ee dalka Turkiga ayaa dilay saddex askari.

Milatariga Turkiga ayaa sheegay in sidoo kale 24 askari la dhaawacay markii jabhadda Kurdish-ka ee PKK ay weerar ku qaaday saldhig milatari oo ku yaalla magaalada Lice. goor dambe oo maalintii khamiista ahayd.

Turkey ayaa sheegtay in in ka badan kun mintidiin ah lagu dilay koonfurta bari ee Kurdish-ka, markii kooxda PKK ay jebisay xabad joojinta, bishii July.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in in ka badan 300 oo ciidamada ammaanka ah lagu dilay rabshadaha, halka mucaaradka taageera Kurdish-ka ay sheegeen in boqolaal rayid ah sidoo kale ay dhinteen.

PKK, waa koox ay Turkiga, Mareykanka iyo Midowga Yurub u aqoonsan yihiin inay tahay argagixiso.

XS
SM
MD
LG