Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Karadzic oo Lagu Helay Dambiyada Xasuuqii Bosnia


Radovan Karadzic ayaa lagu helay damabiga xasuuqii Srebrenica ee 1995-kii iyo sagaal dambi oo kale, sida ay sheegeen garsoorayaal ka tirsan QM.

Hoggaamyihii hore ee Serbiyiinta Bosnia, Radovan Karadzic ayaa lagu helay damabiga xasuuqii Srebrenica ee 1995-kii iyo sagaal dambi oo kale, sida ay sheegeen garsoorayaal ka tirsan QM.

Karadzic ayaa waxaa lagu xukumay afartan sano oo xabsi ah.

70 jirkan oo ah ninka ugu miisaanka culus ee maxkamadda caalamaiga ah ee dambiyada dagaalka ee Yugoslavia ay xukunto, ayaa waxa lagu helay 10 ka mid ah 11-kii dambi ee lagu eedeeyey.

Gasroorayaasha QM ayaa sheegay in Hogaamyihii hore ee Serbiyiinta Bosnia Radovan Karadzic uu mas’uul ka ahaa dambiyo ka dhan ah bani aadanimmada, oo ay ku jiraan dilal iyo tacaddiyo ka dhacay Bosnia.

Waxaa lagu waayey kaliya mid ka mid ah dambiyada oo la xiriiriyey xasuuqyo ka dhacay meelo kale, hase yeeshee garsoorayaasha ayaan weli go’aan ka gaarin dil-wadareedkii Srebrenica, oo ahaa kii ugu xumaa ee ka dhacay Yurub, tan iyo dagaalkii labaad ee adduunka, halkaasi oo sideed kun oo muslimiin ah ay ku geeriyoodeen.

Madaxa QM ee xuquuqada aadanaha ayaa soo dhoweeyey xukunka lagu riday Karadzic, isaga oo sheegay inay muujineyso in ay tahay dambiilayaasha awoodda badan ay ogaadaan inaysan ka baxsaneyn caddaaladda.

Zeid Ra'ad Al-Hussein, ayaa bayaan uu soo saaray kadib markii Karadzic lagu helay dambiyada dagaal ee ka dhanka ah bani aadannimada waxa uu ku sheegay in maxkamadda ay muujisay in hogaamiyayaasha Yurub iyo meelo kale oo dunida ka mid ah ay tahay inay hakiyaan ka faa’ideysashada kuwa waddaniyadda madax martay, ayaga oo ku xadgudbaya kuwa laga tirada badan yahay.

XS
SM
MD
LG