Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kerry oo Maanta La Kulansan Madaxda Russia


Kerry iyo Lavrov
Kerry iyo Lavrov

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka John Kerry ayaa khamiista maanta kulan la leh dhiggiisa Russia Sergei Lavrov iyo madaxweyne Vladimir Putin, si uu ugala hadlo xasaradaha dalalka Ukraine iyo Syria.

Kerry ayaa ka hor la kulankiisa Lavrov, waxa uu sheegay in dad badan ay rajeynayaan in wada-hadallada uu ku qaadanayo Moscow ay sida ugu dhaqsiyaha badan usoo geba gebeyn doonaan dagaalka Syria.

Waxa uu sidoo kale sheegay inuu ka rajeynayo Russia inay kala shaqeyso sidii loola tacaali lahaaa dagaalada ka socda dalal kale sida Yemen iyo Libya, iyo hannaanka nabadda Bariga Dhexe.

Kerry ayaa xusay in xabad joojinta aan dhameystirneyn ee Syria ay xoogaa horumar ah keentay, hase yeeshee weli ay tahay mid aan cago badan ku taagneyn.

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka ayaa la filayaa in Russia uu ka helo jawaabo ku saabsan mowqifkeeda kala guurka siyaasadeed ee Syria.

XS
SM
MD
LG