Isku xirrada

War Deg-Deg ah

156 Qof oo Lagu Xiray Boosaaso


Boosaaso
Boosaaso

Dadkan ayaa la tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin maleeshiyada Al-Shabaab.

Illaa 156 qof oo la tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin maleeshiyada Al-Shabaab, ayaa maanta lagu xiray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Taliyaha ciidamada Booliiska gobolka Bari Korneyl Cabdixakiim Yuusuf Xuseen, ayaa VOA-da u sheegay in dadkan lagu soo xiray howlgallo ay ciidamada ammaanka sameeyeen xalay.

Taliyaha ayaa sheegay in dadkan laga soo kala qabtay, kontroolka Boosaaso, hoteellada, xaafadaha iyo dhulka Miyiga ee u dhaxeeya Boosaaso iyo deegaanka Qow.

Korneyl Cabdixakiim ayaa sheegay in baaritaan uu ku socod dadkan.

Ciidamada Boosaaso ayaa kordhiyey howlgallada ay ka sameynayaan magaalada tan iyo markii deegaano ka mid ah gobollada Mudug iyo Nugaal uu ka qarxay dagaal u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo Al-Shabaab.

Dhinaca kale, madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta kormeer ku tagay goobihii ay dagaalladu ka dhaceen, si uu ugu kuur galo xaaladda.

XS
SM
MD
LG