Isku xirrada

Cabasho ka Taagan Kaararka Codadka Jabuuti


Jabuuti

Jabuuti

Qaar ka mid ah dadka Djibouti ayaa ka cabanaya qaadashada kaararka oo ku adkaaday.

Dowladda dalka Jabuuti, ayaa waxay dhawaan ka codsatay dadka inay qaataan kaararka codadka iyadoo dhawaan ay dalkaasi ka qabsoomi doonto doorasho.

Hase yeeshee qaar ka mid ah dadka Djibouti ayaa ka cabanaya qaadashada kaararka oo ku adkaaday.

Qaar ka mid ah dadweynaha ayaa sheegaya in marka ay tagaan goobaha kaararka laga qaato ay la kulmaan dhibaatooyin ay ka mid yihiin in loo sheego inay dib usoo noqdaan.

Hase yeeshee maammulka ayaa sheegaya in wax dhibaato ah aysan jirin, islamarkaana qof kasta uu kaarkiisa si fudud uga soo qaadan karo goobaha kaararka laga bixiyo.

Wariyeheenna Djibouti Ramadan Muuse ayaa warbixintan soo diray.

XS
SM
MD
LG