Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda oo Sheegtay inay Is-afgarteen Beelaha Hiiraan


Ra'iisul wasaare Cumar
Ra'iisul wasaare Cumar

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in ra'iisul wasaaraha iyo beelaha Hiiraan ay is-afgarteen.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdrashiid Cali Sharmaarke iyo wafti uu hoggaaminayo oo ku sugnaa magaalada Beledweyne ayaa kulamo la qaatay salaadiinta Beelaha dega gobolka Hiiraan.

Wasiirka warfaafinta oo ka mid ah waftiga la socda ra’iisul wasaaraha ayaa VOA u sheegay in kulanka looga hadlay shirka ka socda magaalada Jowhar ee maamulka loogu sameynayo gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in beelaha ay soo gudbiyeen cabasho ka dhan ah qaabka loo maareynayo shirka, taasi oo ay sabab uga dhigeen diidmadooda shirka.

Wuxuu wasiirka sheegay in kulamada labada dhinac la isku afgartay, islamarkaana uu rajeynayo in dhammaan beelaha ka maqnaaa shirka ay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu laabtaan Jowhar, lana sii amba qaado shirka.

Weriyaheena Xuseen Xasan Dhaqane ayaa wasiirka ku wareystay magaalada Beledweyne.

Wareysi: Wasiir Maareeye
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:02:51 0:00

XS
SM
MD
LG