Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Nin loo Xiray Qaraxyadii Brussels


Belgium Attacks
Belgium Attacks

Warbixinada ayaa sheegay in ninkan lagu xiray magaalada Anderlecht ee ku dhow magaalada Brussels.

Warbaahinta dalka Belgium ayaa ku warramay in booliiska ay xireen nin lagu tuhmayo qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Brussels, oo lagu dilay 34 qof.

Warbixino hore ayaa sheegay in ninka la xiray uu yahay Najim Laachraoui laguna qabtay magaalada Anderlecht ee u dhow magaalada Brussels.

Si kastaba, warar gadaal kasoo baxay ayaa sheegay in ninka la xiray uusan ahayn Najim Laachraoui, balse uu yahay qof kale,

Dhinaca kale warbaahinta Belgium ayaa labada qof ee weerarka fuliyey waxay ku sheegeen Khalid iyo Brahim el-Bakraoui, oo ah walaalo. Khalid ayaa da’diida lagu sheegay 27 jir, halka Brahim uu ahaa 30 jir.

Dowladda Belgium weli ma aysan xaqiijin warbixinadan.

Warbaahinta RTBF ayaa sheegtay in labada nin ay booliiska garanayeen, ayaga oo lahaa taariikh falal dambiyeed, hase yeeshee aysan ku lug lahayn ficillo argagixiso.

Dacwad oogaha dalka Belgium ayaa sheegay in Khalid el-Bakraoui uu adeegsaday magac been abuur ah si uu kireysto guri booliiska ay weerareen toddobaadkii tagay oo laga soo helay raadka faraha Saleh Abdeslam oo ah ninka lagu tuhmayo qaraxyadii Paris.

XS
SM
MD
LG