Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump iyo Clinton oo ku Guuleystay Arizona


Donald Trump iyo Hillary Clinton ayaa ku guuleystay doorashadii gobolka Arizona, halka Sanders uu ku guuleystay Utah iyo Idaho, Cruz-na Utah.

Musharaxiinta horkacaya doorashada xisbiyada dimoqraadiga iyo Jamhuuriga iyo kuwa kasoo horjeeda ayaa kala qeybsaday guulaha illaa saddex gobol oo xalay lagu tartamay.

Donald Trump oo ugu horreeya dhinaca Jamhuuriga ayaa ku guuleystay doorashadii ka dhacday gobolka Arizona, isaga oo hantay dhammaan 58 wufuud kadib markii uu in ka badan 20 dhibcood kaga adkaaday Ted Cruz oo kaalinta labaad galay.

Cruz ayaa isna si awood badan ugu guuleystay doorashadii ka dhacday gobolka Utah, isaga oo helay ku dhowaad 70% codadka, wuxuuna hantiyey dhammaan 40-kii wufuud ee gobolka.

Dhinaca dimoqraadigana Bernie Sanders ayaa ku guuleystay gobollada Utah iyo Idaho, isaga oo helay in ka badan 70% codadkii la tirayey.

Hillary Clinton oo horkaceysa dhinaca dimoqraadiga, ayaa ku guuleysatay gobolka Arizona.

XS
SM
MD
LG