Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama oo Khudbad u Jeediyey Shacabka Cuba


Obama
Obama

“Waxaan halkan u imid inaan aaso haraadiga dagaalkii qaboobaa ee America” ayuu Obama u yiri si kalsooni ku jirto.

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa maanta qiray taariikhda adag ee u dhaxeysa Mareykanka iyo Cuba, hase yeeshee waxa uu farriin nabadeed u yaboohay dadka Cuba, isaga oo maanta soo geba gebeynaya socdaal uu dalkaas ku joogo.

“Havana waxa ay 90 mile (145 KM) kaliya u jirtaa Florida, hase yeeshee si aan halkan u nimaadno, waxaan ku qasbanaanay inaan safar dheer oo kala duwanaansho fikir iyo mid taariikh soo galno” ayuu yiri Obama oo shacabka Cuba kula hadlay xarunta taariikhiga ah ee El Gran Teatra de Havana.

Obama waxa uu sheegay in farqiga u dhaxeeya Washington iyo Havana uu yahay mid dhab ah oo muhiim ah, hase yeeshee waxa uu yiri in labadaba dhinacba ay sii wadi karaan caadiyeynta xiriirkooda taariikhiga ah.

“Waxaan halkan u imid inaan aaso haraadiga dagaalkii qaboobaa ee America” ayuu Obama u yiri si kalsooni ku jirto.

Obama waxa uu sidoo kale ku baaqay soo geba gebeynta cuna qabateynta dhaqaale ee sanadaha badan jirta ee Mareykanka uu saaray Cuba.

Waxa uu sidoo kale cambaareeyey dowladda Cuba, oo uu ugu baaqay is-beddel dimoqraadiyadeed.

Waxa uu sheegay in xitaa haddii cuna qabateynta la qaado, in dadka Cuba aysan ka faa’iideysan karin, inta looga ogolaanayo inay si dimoqraadiyad leh u doortaan kuwa maamulaya.

Obama ayaa sidoo kale ka hadlay oo cambaareeyey qaraxyadii Brussels.

Jamaal Axmed Cusmaan ayaa warbixintan ka diyaariyey.

Obama oo la hadlay shacabka Cuba
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:03 0:00


XS
SM
MD
LG