Isku xirrada

War Deg-Deg ah

J/Hoose: 20 Qof oo U Geeriyooday Shuban Biyood


Kismaayo
Kismaayo

Sidoo kale, in ka badan kun ruux oo uu cudurkaasi soo ritay, ayaa waxaa la gaarsiiyey isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo, tan iyo markii uu cudurka dillaacay.

In ka badan 20 ruux ayaa u geeriyootay cudurka shuban biyood oo ka dillaacay deegaanada Gosha ee Gobbolka Jubbada Hoose.

Sidoo kale, in ka badan kun ruux oo uu cudurkaasi soo ritay, ayaa waxaa la gaarsiiyey isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo, tan iyo markii uu cudurka dillaacay.

Dadkaan ayaa ku kala geeriyooday deegaanada Migwa, Moofi iyo Kobban oo ku yaalla Jiinka wabiga Jubba, gaar ahaana inta u dhaxeysa magaalada Kismaayo iyo degmada Jamaame.

Dadka u dhintay cudurkaan oo isugu jira haween, caruur iyo dad da’ ah ayaa lagu soo warramayaa inay u dhimanayaan daryeel caafimaad la’aan.

Wariyaha VOA ee Jubbooyinka Khadar Maxamuud Xareed ayaa sidoo kale ku soo warramaya inay jiraan 17 qof oo kale kuwaasoo cudurka shuban biyoodka ugu geeriyooday magaalada Kismaayo todobaad ka hor.

Maamulka Isbitaalka Kismaayo ayaa VOA u xaqiijiyay in dad gaaraya kun qof oo laga kala keenay xaafadaha magaalada Kismaayo iyo deegaanada banaanka ka ah magaalada ay haatan ku dabiibayaan Isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo, kuwaasoo uu soo ritay cudurka shuban biyoodka.

Wasiir ku xigeynka caafimaadka Maamulka Jubaland Ceydiid Saleebaan Xaashi ayaa Wariyaha VOA Khadar Maxamuud Xareed uga warramay dadkaan u dhintay cudurka shuban biyoodka iyo kuwa uu soo ritay.

Warbixinta Khadar Maxamuud
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:02 0:00


XS
SM
MD
LG