Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qaraxyo ka Dhacay Brussels oo Dilay 30 Qof


Warbaahinta dalka Belgium, ayaa ku warramaysa in 30 qof ay ku geeriyoodeen 3 qarax oo maanta ka dhacay magaalada Brussels. Qaraxyadan waxaa ku dhaawacmay 130 qof oo kale.

Ugu yaraan saddex qarax ayaa maanta ruxay magaalada Brussels ee dalka Belgium, ayada oo laba ka mid ah qaraxyada ay ka dhaceen garoonka diyaaradaha magaalada, halka mid kalena uu ka dhacay xarunta tareenada laga raacay.

Warbaahinta dalka Belgium, ayaa ku warramaya in 30 qof ay ku geeriyoodeen qaraxyada, halka 130 kalena ay ku dhaawacmeen.

Muuqaallo ayaa muujinayey dad ka kala cararaya garoonka Zaventem, halkaasi oo laba qarax ay ruxeen, abaare sideeddii subaxnimo. 11 qof ayaa halkaas ku geeriyooday.

Waxyar kadib ayaa warbaahinta gudaha waxa ay ku warrameen in qarax kale uu ka dhacay xarunta tareenada magaalada. Illaa 15 qof ayaa qaraxaas ku geeriyootay, ayada oo 55 kalena ay ku dhaawacmeen.

Ra'iisul wasaaraha dalka Belgium Charles Michel, ayaa sheegay in tani ay daqiiqad madow u tahay dalkiisa, wuxuuna dadka ugu baaqay inay deganaan iyo isku duubni muujiyaan.

Warbaahinta gudaha ayaa sidoo kale sheegay in erayo carabi ah lagu qeyliyey ka hor qaraxyada.

Mas’uuliyiinta dalka Belgium ayaa ku dhowaaqay in dalka la geliyey heerka 4-aad ee heeganka, oo ah heerka ugu sarreeya.

Garoonka diyaaradaha magaalada Brussels ayaa joojiyey dhammaan duulimaadyadii magaalada. Sidoo kale dadka ayaa loogu baaqay inay guryahooda joogaan.

Kooxda ISIS ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxyadan.

XS
SM
MD
LG