Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Dab ka Kacay Laba Isbitaal


Isbitaal Madiina
Isbitaal Madiina

Isbitaallada Madiina iyo Banaadir ee Muqdisho ayaa waxaa ka kacay dab, ayada oo khasaaraha xooggan uu gaaray Isbitaal Madiina.

Laba isbitaal oo ku yaalla magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, ayaa xalay waxaa ka kacay dab khasaare xooggan geystay.

Dabka ugu weyn ayaa waxa uu saameeyey isbitaalka Madiina, halkaasi oo qaybtii ugu weyneed ee Qaliinada Isbitaalka ay guud ahaan gubatay kadib markii uu dabka qabsaday.

Agaasimaha Isbitaalka Madiina Dr. Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in saaladii ugu weyneed ay ka gubatay isbitaalka, halkaasi oo halkii marba lagu qali jiray illaa 6 bukaan.

Agaasime Yuuusf ayaa sheegay in hakad uu ku jira howlhii qaliinka isbitaalka maadaama uu gubtay qalabkii qaliinada ay ku fulin jireen.

Waxaa sidoo kale dab uu ka kacay isbitalaka Banaadir ee isla magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale, ayaa sheegay inay baaraan sababta keentay in labada isbitaal ay mar qura gubtaan.

Warkan waxaa Muqdisho kasoo diray Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.

Isbitaalo ku gubtay Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:25 0:00

XS
SM
MD
LG