Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ismiidaamiye 4 Qof ku Dilay Istanbul


Warbaahinta Turkiga ayaa sheegtay in qof isa soo miidaamiyey oo isku qarxiyey magaalada Istanbul uu dilay afar qof, isla markaana uu dhaawacay 20 kale. 3 ka mid ah dhaawaca ayaa aad u daran.

Saraakiisha ayaa Sabtida maanta ah sheegay in qaraxu uu ka dhacay wadada istiqlaal oo ah waddo balaaran oo inta badan ay ka buuxaan dad adeeganya, maanta oo kalena ay dad badani iskugu soo baxaan.

Dadka Turkiga ayaa xaalad feejignaan ah ku jira ka dib qaraxyo dhawaan ka dhacay magaalada xarunta dalka ah ee Ankara, qaraxyadaas ayaa waxa sheegtay falaagada Kurdiga. Qaraxii maanta ayaa yimid ka hor dabbaaldegyo ay Kurdigu sameystaan, kuwaas oo dhacaya maalinta Isniinta ah.

XS
SM
MD
LG