Isku xirrada

War Deg-Deg ah

62 Qof oo ku Dhintay Diyaarad ku Burburtay Ruushka


Shaqalaha gurmadka deg degga ah ee Ruushka oo taagan garroonka Rostov-on-Don airport, oo 950 kilometers (600 miles) Koonfur kaga beegan Moscow, halkaas oo ay dayaaraddu ku bur burtay, March 19, 2016.
Shaqalaha gurmadka deg degga ah ee Ruushka oo taagan garroonka Rostov-on-Don airport, oo 950 kilometers (600 miles) Koonfur kaga beegan Moscow, halkaas oo ay dayaaraddu ku bur burtay, March 19, 2016.

Diyaarad ka soo duushay magaalada Dubai ee Isutagga Imaaradka Carabta, ayaa burburtay xilli ay doonaysay inay ku degto garoon diyaaradeed oo ku yaalla magaalo ka tirsan dalka Ruushka, waxaana halkaas ku geeriyooday illaa 62 qof oo ahaa dadkii diyaaraddaas saarnaa.

Masuuliyiinta, ayaa sheegay in diyaaraddan oo nooceedu ahaa Boeing 737 isla markaana ay lahayd shirkadda Fly Dubia ay saarnaayeen 55 rakaab ah iyo toddoba shaqaale ah.

Shirkadda Fly Dubai ayaa tacsi u dirtay ehelladii iyo qaraabadii dadkoodu ku geeriyoodeen duulimaadkaas, waxayna sheegeen in dadka dhintay ay isugu jireen 33 haween ah, 18 nin iyo 4 caruur ah.

Cimillada oo xumeyd aawadeed, ayaa la sheegay in ay suuragal tahay in ay keentay burburka diyaaraddaasi.

XS
SM
MD
LG