Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Weerar Xalay ka Dhacay Boosaaso


Boosaaso
Boosaaso

Hal qof ayaa ku dhintay laba kalena wey ku dhaawacmeen xalay abaara sideeddii fiidmimo markii rag hubeysan ay weerareen goob ay ku sugnaayeen ciidamo la sheegay inay ilaalo u ahaayeen, Gudoomiyihii hore ee laanta Canshuuraha Beriga gobolka Bari, Ibrahim Maxamed Jige.

Weerarkan oo ka dhacay Isgoyska Afar irdoodka ee Laamiga dheer ee dhex mara magaalada Boosaaso, ayaa waxaa ku dhintay mid ka mid ah ilaalada, Gudoomiyihii hore ee laanta Canshuuraha Beriga gobolka Bari, Ibrahim Maxamed Jige, waxaana ku dhaawacmay mid kale, iyo qof rayid ah.

Sarakiisha Aminiga ee gobolka ayaa sheegay inay wadaan baaris la xiriirta ragga weerarka geystay.

Hase yeeshee, Ururka al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas sida ay baahisay idaacadda Andalus ee afka al-shabab ku hadasha.

Weerarkan ayaa ku soo beegmay xilli qeyb ka mid ah gobolada nugaal iyo bari ay ka socdaan dagaalo ciidamada Puntland ay ku baacsanayaan maleeshiyo ka tirsan al-shabab oo dhawaan xeebaha Puntland ku gaaray doonyo.

XS
SM
MD
LG