Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-shabab oo Dad ku Dishay Goob Dhuxusha Laga Jaro


Ugu yaraan sadex qof ayaa ku dhimatay lix kalena wey ku dhaawacmeen ka dib markii maleeshiyo ka tirsan ururka Al-shabab ay rasaas ku fureen dad ku sugnaa goob dhuxusha laga jaro oo ku taala deegaanka Buurgaabo ee gobolka Jubba Hoose, oo qiyaastii 240KM koonfur galbeed ka xigta magaalada Kismayo.

Sida uu VOAda u sheegay joobjooge ku suggan buur gaabo oo sababo amaan, magaciisa aanu u qarinay in weerarkan uu yimid ka dib markii Al-shabab ay soo saartay amarro ay ku mamnuuceyso jarista dhirta iyo shididda dhuxusha.

Dekedda Kismayo iyo dekeado kale oo ku yaala koonfurta Somalia ayaa muddo laga dhoofin jiray dhuxusha.

Warbixin ay sanadkii 2014kii soo saartay Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in hal milyan oo jawaan oo dhuxul ah la dhoofiyay iyadoo ciidamada Kenya ay goobjoog ahaayeen, dhuxushaas oo horey u tiilay dekedda Kismaayo.

Waxaa jira warar sheegaya in dhoofinta dhuxusha Somalia ay si qarsoodi ah ku socoto iyadoo weli Soomaaliya ay saran tahay xayiraadda Qaramada Midoobay ee dhoofinta dhuxusha tan iyo sanadkii 2012kii.

Ma cadda weli dhinacyada si tooska ah ugu lugta leh dhoofka Dhuxusha, laakiin warbixintii Qaramada Midoobay ee sanadkii 2014kii ayaa lagu sheegay in Al-shabab, militariga Kenya iyo maamulka gobolka ay saami ka helayeen dhaqaalaha ka soo gala ganacsiga dhuxusha.

XS
SM
MD
LG