Isku xirrada

Salah Abdeslam oo la Qabtay


Salah Abdeslam

Salah Abdeslam

Wararka ayaa sheegaya in Salah Abdeslam ay qabteen booliiska Belgium kadib howl gallo ay maanta ka fuliyeen xaafadda Molenbeek.

Warbixinno ayaa sheegaya in ninka ugu sarreeya ee lagu tuhmayo weeraradii Paris ee dhacay 13-kii November lagu xiray dalka Belgium.

Wararka ayaa sheegaya in Salah Abdeslam ay qabteen booliiska Belgium kadib howl gallo ay maanta ka fuliyeen xaafadda Molenbeek ee hareeraha magaalada Brussels.

Wararka ayaa sheegaya in Abdeslam uu lugta ka dhaawacmay.

Qeyb ka mid ah weeraradii Paris ayaa lagu soo agaasimay magaalada Brussels.

Tan iyo bartamihii bishii November, illaa 11 qof ayaa lagu xiray, dacwadana lagu soo oogay dalka Belgium, kuwaasi oo lala xiriirinayo weeraradii Paris.

XS
SM
MD
LG