Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda Somalia oo Hub u Dirtay Puntland


Laba diyaaradood oo hub sida, ayaa waxaa mid bixiyey dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, halka midda kalena ay ka timid Imaaraadka.

Dawladda Soomaaliya ayaa maanta amba bixisay laba diyaaradood oo sida hub iyo saanad kale oo milatari oo loo wado maamulka Puntland.

Arrintan ayay dowladda ku macneysay mid gacan looga gaysanayo dagaalka Puntland ay kula jirto maleeshiyada kooxda Al-Shabaab ee dhowaan ka degay xeebaha Bari ee Puntland.

Labada diyaaradood ee hubka sida, ayaa waxaa mid bixiyey dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, halka midda kalena ay ka timid dowladda Imaaraadka Carabta.

Shir jaraa’id oo ka dhacay Muqdishu ayaa mas’uuliyiinta dawladda ay kaga hadleen muhiimadda ay saanaddan milari ka gaysan karto la dagaalnaka Al-Shabaab.

Warbixintan waxaa Muqdishu nooga soo dirtay Seynab Abuukar.

Dowladda oo hub u dirtay Puntland
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:32 0:00

XS
SM
MD
LG