Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaalka Puntland iyo Al-Shabaab oo Weli Socda


Ciidamada Puntland (Sawiro hore)
Ciidamada Puntland (Sawiro hore)

Dagaalka ayaa galay maalintii saddexaad, waxaana Puntland ay sheegtay inay dishay tiro ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab.

Dagaallo kale oo goos-goos ah ayaa maalintii saddexaad ka socda degaannada dhinaca Bari ee Gobolka Nugaal halkaasi oo ay isku hor fadhiyaan maleeshiyada ururka Al-Shabaab iyo ciidamada Puntland.

Dagaallo culus ayaa dhacay maalmihii arbacada iyo Khamiista, waxaana Puntland ay sheegtay inay dishay tiro ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo magaciisa kusoo koobay Maxamed, ayaa VOA-da u sheegay in dagaalka uu dhaliyey khasaare badan, oo badankiisa gaaray maleeshiyada Al-Shabaab.

Maxamed waxa uu sheegay in illaa 22 maleeshiyo laga dilay kooxda Al-Shabaab.

Haddaba wararkii ugu dambeeyey ayuu Maxamed uga warramay weriyaheena Jamaal Axmd Cusmaan.

Dagaal weli ka socda Puntland
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:26 0:00

XS
SM
MD
LG