Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Guuleed oo ka Hadlay Shabaabka Galay Puntland


Guuleed
Guuleed

C/kariim Xuseen wuxuu sheegay Galmudug ay diyaar u tahay inay Puntland iska kaashadaan dagaalka al-Shabaab iyo sidii looga adkaan lahaa.

Madaxweynaha Galmudug, Cabdikarim Xueen Guuleed oo maanta shir jaraaid ku qabtay magaalada Cadaado ayaa ka hadlay, maleeshiyada al-Shabaab ee galay Puntland.

C/kariim Xuseen wuxuu sheegay Galmudug ay diyaar u tahay inay Puntland iska kaashadaan dagaalka al-Shabaab iyo sidii looga adkaan lahaa.

Waxa uu sheegay in qaar ka mid ah deegaanada Galmudug ay sidoo kale ku sugan yihiin qaar ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab ee dhowaan halkaas soo galay, taasi Qatar ku ah maamulkiisa.

Wuxuu dhinaca kale sheegay in ciidamada NATO ee xeebaha badda Somalia ku sugan ay mas’uuliyad ka saaran tahay la socodka dhaq-dhaqaaqa maleeshiada al-Shabaab ee dhinaca badda.

Waxa uu sheegay inuu aaminsan yahay in duqeymihii ka dhacay koonfurta Soomaaliya ee la beegsaday Al-Shabaab ay ugu wacan tahay inay u cararaan dhanka Puntland iyo Galmudug.

Halkan ka dhageyso codka Cabdikariim Guuleed.

Madaxweyne Cabdikariim Guuleed
please wait

No media source currently available

0:00 0:01:29 0:00

XS
SM
MD
LG