Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal Weli ka dhex Socda Puntland iyo Al-Shabab


Ciidamada Puntland
Ciidamada Puntland

Ciidamada Puntland ayaa la sheegay inay isku dayeen inay galaan godka Suuj oo maleeshiyada Al-Shabaab ay ku jiraan.

Wararka ka imanaya Puntland ayaa sheegaya in dagaalkii u dhaxeeyey ciidamada maamulka iyo maleeshiyada al-Shabaab uu weli ka scodo deegaano hoos taga Puntland.

Wararka maanta soo gaaray VOA-da ayaa sheegaya in dagaalka maanta uu ka socod laba goobood oo kala ah godka Suuj, iyo meel kale oo 40 KM u jirta degmada Godob Jiraan ee Puntland.

Ciidamada Puntland ayaa la sheegay inay isku dayeen inay galaan godka Suuj oo maleeshiyada Al-Shabaab ay ku jiraan, hase yeeshee weli aysan u suurta-gelin.

Inkasta oo uu jiro khasaare, haddana weli lama hayo tirada rasmiga ah.

Dhinaca kale dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa laba diyaaradood oo hub iyo qalab milatari sida u dirtay Puntland, si ay gacan ay uga gaysato dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab.

Axmed Cali Sheekh ayaa wararkii ugu dambeeyey ka wareystay weriyaha VOA ee Garoowe Nuux Muuse Birjeeb.

XS
SM
MD
LG