Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somalia: Dalka 4-aad ee ugu Farxadda Badan Afrika


Baidoa, Somalia
Baidoa, Somalia

Warbixin la soo saaray ayaa sheegaysa in dalalka, Burundi, Benin, Rwanda, Guinea, Liberia, Tanzania, Madagascar, iyo Togo ay yihiin kuwa ugu farxadda yar caalamka.

Soomaaliya ayaa kaalinta 76-aad ka gashay warbixinta farxadda adduunka ee sanadda 2016, sida lagu sheegay warbixintaas oo maanta soo baxday.

Inkasta oo Soomaaliya ay kaalinta 76 ka gashay qiimeynta adduunka, haddana dadka Soomaalida waa dadka ugu farxadda badan shacabka dalalka Afrika ee saxaraha ka hooseeya, sida lagu sheegay warbixintan oo ay si wada jir ah usoo saareen hay’adda SDSN iyo machadka dhulka ee jaamacadda Columbia University ee dalka Mareykanka.

Sidoo kale Soomaaliya ayaa kaalinta afaraad ka gashay guud ahaan dalalka Afrika, waxaana ka horreeya dalalka Algeria, Mauritius iyo Libya, oo kala galay kaalimaha koowaad, labaad iyo saddexaad.

Soomaaliya waxa ay ka hooreysaa dalalka deriska la ah sida Ethiopia, Kenya iyo Jabuuti.

Sida ay warbixintan leedahay Dadka Soomaalida ayaa ka farxad badan shacabka dalal ka nabad iyo horumar wanaagsan, sida Turkiga, Shiinaha, Urdun, Iran, Nigeria, Pakistan, Ciraaq, Masar, Greece iyo Portugal.

Tobanka dal ee ugu horreeya Afrika, ayaa kala ah, Algeria, Mauritius Libya, Somalia, Tunisia, Nigeria, Zambia, Namibia, Ethiopia and South Africa.

Hase yeeshee, dadka ku nool dalal badan oo Afrikaan ah, oo ay ku jiraan dalalka, Burundi, Benin, Rwanda, Guinea, Liberia, Tanzania, Madagascar, iyo Togo, ayaa ah kuwa ugu farxadda yar adduunka, sida lagu sheegay Warbixinta Farxadda adduunak ee 2016.

Jon Clifton, oo ah la-agaasimaha kooxda cilmi-baarista sameysay ee fadhigeedu yahay Mareykanka ee Gallup, ayaa sheegay in waxyaabaha ay warbixintu eegtay ay ku jiraan dhaqaalaha, heerka nolosha, musuq maasuqa, xoriyadda iyo taageerada bulshada.

“Warbixintu waxay eegtay lix waxyaabood, hase yeeshee tan ugu muhiimsan waa dhaqaalaha” ayuu yiri.

Clifton ayaa sheegay in cudurka dilaaga ah ee Ebola ee galbeedka Afrika uu kaalin weyn ka qaatay in dalka Liberia uu meel hoos ka galo warbixinta, sababtuna ay tahay in heerka nololeed ee dadka uu sameeyey cudurkan.

Warbixinta waxa ay sheegtay in dalka Denmark uu yahay kan ugu farxadda badan adduunka, waxaana kusoo xiga dalka Switzerland.

Dalalka kale ee galay tobanka kaalin ee ugu horreeya waa Iceland, Norway, Finland, Canada, Netherlands, New Zealand, Australia iyo Sweden.

XS
SM
MD
LG