Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Warbixin: Trump Waa Halis ay Dunida Wajaheyso


GOP 2016 Trump
GOP 2016 Trump

Donald Trump oo madaxweyne ka noqda Mareykanka, waa halista lixaad ee ugu weyn ee caalamka uu wajahayo, sida ay sheegtay kooxda cilmi baarista sameysa ee Britain ee EIU.

Sida ay kooxdan sheegtay, halista Donald Trump ayaa waxa ay u dhigantaa halista ah in argagixisada ay xasilooni darri ku abuuraan dhaqaalaha caalamka.

Kooxdan ayaa halista ugu weyn ee caalamka iminka uu wajahayo ku sheegtay dhaqaalaha sida xowliga ah hoos ugu sii dhacaya ee China.
Waxaa taas ku xiga ficillada Russia ee Syria iyo Ukraine, oo abuuray dagaal qabow oo cusub.

EIU waxa ay sheegtay inaysan u maleeneyn in Donald Trump uu ku guuleysan doono doorashada November, hase yeeshee waxaa jira bay tiri, fursad taas ay ku dhici karto, islamarkaana sameyn xoogan ay yeeln doonto.

Kooxdan ayaa cabsida laga qabo Trump sabab uga dhigtay naceybkiisa ku wajahan ganacsiga xorta ah, dalabkiisa ah in la dilo qoysaska argagixisada, ciidamo loo diro Syria iyo gooni u riixistiisa China iyo Mexico, oo hurin kara dagaal ganacsi, islamarkaana hurin kara argagixisada.

XS
SM
MD
LG