Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kuuriyada Waqooyi oo Cuna-qabateyn Cusub la Saaray


Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama, ayaa saxiixay awaamiir cuna qabateyn cusub ku soo rogeysa Kuuriyada Waqooyi, taas oo jawaab u ah tijaabadoodii dhaweyd ee Nukliyerka iyo gantaallada riddada dheer ee maamulkaasi.

Cuna qabateyntaan cusub, ayaa sidoo kale daba socota ku xadgudubka Pyongyang wada hadalladii caalamiga ahaa ee dheeraa, kuwaas oo ujeedkoodu ahaa in lagu hakiyo rabitaanka Nukliyer ee Kuuriyada Waqooyi.

Xoghaya warbaahinta Aqalbaka Cad Josh Earnest, ayaa ku dhawaaqay Arbacadii go’aanka madaxweyne Obama.

Waxa uu sheegay in Mareykanka iyo bulshada caalamka aysan u dul qaadan doonin dhaq dhaqaaq-yada gantaal iyo midda Nukliyer ee Kuuriyada Waqooyi, ayna sii wadi doonaan cuna qabateynta ay ku soo rogayaan dalkaasi.

Dhinaca kale, Josh Earnest ayaa sheegey in ay ka dalbanayaan Kuuriyada Waqooyi inay ka laabato xukun lagu ridey ardey Mareykan ah oo maxkamadi ku xukuntay 15 sano oo shaqo adag ah, kadib markii lagu heley dambi ka dhan ah dalkaasi.

Josh Earnest, ayaa sheegay in Pyongyang ay muwaaddiniinta Maryekanka u adeegsaneyso sida tab ay ku gaarto ahdaafteeda siyaasadeed.



XS
SM
MD
LG