Isku xirrada

Puntland oo Eedeysay Dowladda Soomaaliya


የአል-ሸባብ ታጣቂ

የአል-ሸባብ ታጣቂ

Wasiirka amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab, ayaa sheegay in dowladda Somalia aysan ka madax baaneyn arirnta Shabaabka gaaray deegaano ka mid ah Puntland.

Maleeshiyo ka tirsan ururka al-Shabaab ayaa shalay, xalay iyo maanta lagu soo waramayaa inay si kala gooni gooni ah iyagoo doonyo wata ay u gaarayaan deegaanada xeebaha Puntland ee gobollada Nugaal iyo Mudug.

Shabaabka ayaa lagu warramayaa inay lix doonyo kusoo galeen qaar ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab.

Maamul goboleedka Puntland ayaa markii ugu horraysay si rasmi ah uga hadlay arrintaasi, kadib kulan deg deg ah oo maamulka uu arrintan ka yeeshay.

Wasiirka amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan ka madax baaneyn arirnta Shabaabka gaaray deegaano ka mid ah Puntland.

Warbixintan waxaa Garoowe nooga soo diray weriyahayaga Nuux Muuse Birjeeb.

Hase yeeshee, wasiirka Arrimaha gudadaha ee dowladda federaalka Somalia, Cabdiraxmaan Xuseen Odowaa ayaa eedeynta ka soo yeertay wasiirka armniga ee Puntland, Cabdi Xersi Cali (Qar-jab) ku tilmaamay nasiib darro.

Wariyeheenna Maxamed Colaad Xasan ayaa khadka taleefanka ee Beledweyne kula xiriiray, wuxuuna ugu horeyn weydiiyay, waxa ay kala socdaan dhaq dhaqaaqan cusub ee al-Shabaab.

XS
SM
MD
LG