Isku xirrada

Madeira oo ka Digay Halista Al-Shabaab ee 2016


Fransisco Madeira

Fransisco Madeira

Madaxa hawlgalka Amisom Francisco Caetano Jose Madeira, ayaa ka digay in Al-Shabaab ay isku dayi doonto in carqaladeyso doorashooyinka Soomaaliya ee 2016.

Madaxa hawlgalka Amisom Francisco Caetano Jose Madeira ayaa amaanay hawlgalladii ugu dambeeyey ee ciidamada dawladda iyo kuwa Amisom ay ka sameeyeen gobolka Shabeellada Dhexe.

Madeira oo ka hadlayey shir jaraa’id oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay AMISOM siiyaan taageerada u dhiganta naf-hurista ay samaynayaan ciidamada Midowga Afrika.

Madeira waxa uu sheegay in halista argagixisada ay tahay mid caalami ah oo aan ku koobneyn Soomaaliya, loona baahan yahay in si caalami ah loo wajaho.

Madaxa hawlgalka Amisom Francisco Caetano Jose Madeira, ayaa sidoo kale ka digay in Al-Shabaab ay isku dayi doonto in carqaladeyso doorashooyinka Soomaaliya ka dhacaya sanadkan, balse Amisom ay diyaar u tahay inay la dagaalanto.

Warbixintan waxaa Muqdisho kasoo diray Axmed Xasan Colaad.

XS
SM
MD
LG