Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Xasan iyo Madeira oo Kulmay


Madaxweyne Xasan iyo Francisco Caetano Jose Madeira.
Madaxweyne Xasan iyo Francisco Caetano Jose Madeira.

Kulankan madaxweynaha iyo wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay sidii loo fulin lahaa go'aanada shirkii Jabuuti.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia kula kulmay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Caetano Jose Madeira.

Kulankan ayaa waxaa looga hadlay sidii dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya u fulin lahaayeen go’aanadii kasoo baxay shir bishii Febraayo ka dhacay dalka Jabuuti, oo madaxda dalalkaas ay yeesheen.

Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay sidii loo xoojin lahaa awoodda howlgal ee ciidamada Amisom iyo ciidamada qaranka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Francisco Caetano Jose Madeira ayaa isku raacay in la sameeyo guddi la socda oo fuliya waxyaabihii kasoo baxay shirka Jabuuti, iyo wada shaqeynta ciidamada Amisom iyo kuwa qaranka Soomaaliyeed.

Kulanka oo ay sidoo kale ka qeyb galeen taliyayaasha ciidamada Soomaaliya iyo Amisom ayaa sidoo kale looga hadlay habab xasilooni loogu soo dabaali karo deegaanada laga xoreeyey Al-Shabaab.

XS
SM
MD
LG