Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Diyaaradaha Dagaalka Russia oo ka Baxay Syria


Tallaabadan ayaa timid maalin kadib markii madaxweyne Vladimir Putin uu ku dhowaaqay in inta badan ciidamadiisa uu kala baxayo dalka Syria.

Wasaraadda gaashaandhigga Russia ayaa talaadada (March 15, 2016) sheegtay in tiradii ugu horreysay oo diyaaradaheeda ah ay ka baxeen dalka Syria.

Tallaabadan ayaa timid maalin kadib markii madaxweyne Vladimir Putin uu ku dhowaaqay in inta badan ciidamadiisa uu kala baxayo dalka Syria, kadib shan bilood iyo bar oo ay halkaas howlgallo ka wadeen.

Diyaaradaha ayaa maanta ka tagay saldhigga ciidamada Hmeymin ee gobolka galbeedka Syria ku yaalla ee Latakia, ayaga oo dib ugu laabtay Russia.

Putin ayaa isniintii sheegay in sababta uu inta badan ciidamadiisa ugala baxayo Syria ay tahay in inta badan ay ku guuleysteen hadafkii ay u tageen dalkaas.

Madaxweynaha golaha ammaanka ee QM ee iminka, oo ah safiirka Angola Ismael Gaspar Martins ayaa sheegay in tallaabada Russia oo lagu daray wadahadallada nabadda ee Geneva ka billowday Isniintii ay ka dhigan tahay in natiijo wanaagsan la filan karo.

XS
SM
MD
LG