Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Jabuuti iyo Somaliland oo isku Dhacay


Djibouti
Djibouti

Guddoomiyaha gobolka Salal ee Somaliland Farxaan Xasan Cabdi ayaa VOA-da u sheegay in ciidamada badda ee Jabuuti ay rasaaseeyeen markab.

Hal askari ayaa geeriyooday, laba qof oo midkood askari yahayna waxa soo gaadhay dhaawac kadib markii ay isku dhaceen ciidamada badda ee Jabuuti iyo Somaliland.

Guddoomiyaha gobolka Salal ee Somaliland Farxaan Xasan Cabdi ayaa VOA-da u sheegay in ciidamada badda ee Jabuuti ay ka soo gudbeen xadka biyaha u dhaxeeya Somaliland iyo Jabuuti, kadibna ay rasaas ku fureen markab laga leeyahay dalka Masar oo ka kalluumaysanayay badda dhinaca Somaliland.

Labada qof ee dhaawaca ah ayaa waxa ku jira kabtankii markabkaas Masar, oo Somaliland ay sheegtay inay ruqsad siisay.

Dowladda Jabuuti weli kama aysan hadlin dhacdadan, hase yeeshee waxaa lagu warramayaa in dhacdadan ay iminka ka wada hadlayaan labada dhinac.

Warbixintan waxa noo soo diray weriyaha VOA ee Hargeysa Barkhad Kaariye.

Jabuuti iyo Somaliland oo isku dhacay
please wait

No media source currently available

0:00 0:01:15 0:00

XS
SM
MD
LG