Isku xirrada

5 Caruur ah oo Ku Geeiryoday Sh/Dhexe


Tuulooyinka ay caruutan ku geeriyoodeen, ayaa beryihii ugu dambeeyay waxaa ka jiray biyo la’aan saameysay dadka iyo duunyada.

Ugu yaraan shan caruur ah ayaa lagu soo warramayaa inay ugu dhinteen cuduro ka dhashay biyo wasaqeysan oo ay cabeen, tuulooyin ku teedsan wabiga Shabeelle ee ku dhow magaalada Jowhar.

Tuulooyinkan ayaa beryihii ugu dambeeyay waxaa ka jiray biyo la’aan saameysay dadka iyo duunyada kadib markii uu guray wabiga Shabeeelle oo ay biyihiisa ku tiirsanaayeen.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar, ayaa VOA u sheegay in Ethiopia oo biyo-xireen weyn gudaha dalkeeda ka sameysatay iyo roob yari jirta ay sababtay inuu yaraado heerka wabiga Shabeelle.

Wariyeheenna Maxamed Colaad Xassan ayaa arrintan ka wareystay Gudoomiyaha tuulada Bacaadley, Yoonis Cabaas Abuukar.

XS
SM
MD
LG