Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Turkiga oo Duqeeyey Kooxda PKK


Weeraradan ka dhanka ah kooxda PKK, ayaa yimid maalin kadib markii qarax baabuur uu 37 qof ku dilay magaalada caasimadda ah ee Ankara.

Milatariga Turkiga ayaa sheegay in diyaaradahooda dagaalka ay Isniinta maanta ah fuliyeen 18 duqeymo oo ay ku bartilmaameedsanayaan mintidiinta Kurdish-ka ee Woqooyiga Ciraq.

Weeraradan ka dhanka ah kooxda PKK, ayaa yimid maalin kadib markii qarax baabuur uu 37 qof ku dilay magaalada caasimadda ah ee Ankara.

Ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda weerarka, hase yeehsee saraakiisha Turkiga ayaa sheegay inay ku dhowaaqi doonaan natiijada baaritaanka, maanta.

Ciidamada Turkish-ka ayaa weerar ka dhan ah kooxda PKK fulinayey tan iyo bishii July, markii madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu ku dhowaaqay dagaal socon doonaan inta dhammaan mintidiinta laga adkaanayo.

Weerarkii axaddii ayaa ka dhacay meel u dhow fagaaraha Kizilay, oo ah meel laga dukaameysto, baabuurtana laga raaco, oo ku dhow xarumaha dowladda iyo safaaradaha dalalka shisheeye.

Wasiirka caafimaadka Turkiga Mehmet Muezzinoglu ayaa sheegay in weerarka lagu bartilmaameedsaday dad shacab ah, islamarkaana in ka badan 120 qof oo kale lagu dhaawacay.

XS
SM
MD
LG