Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Israel oo Dilay 3 Qof oo Falastiiniyiin ah


Goobta weerarka uu ka dhacay
Goobta weerarka uu ka dhacay

Saddexdan qof ayaa ciidamada Israel waxa ay sheegeen inay weerar ka fuliyeen Daanta Galbeed.

Saddex qof oo Falastiiniyiin ah oo la sheegay inay weerar ka fuliyeen Daanta Galbeed, ayaa waxaa Isniinta maanta ah toogtay milatariga Israel.

Ciidamada Israel, ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in laba ka mid ah dadkan ay xabado ku fureen dad bas ku sugayey meesha laga galo deegaanka Yahuuda ay degen yihiin ee Kiryat Arba, ee ku dhow magaalada kala qeybsan ee Hebron.

Ciidamada Israel ayaa sheegay inay toogteen labadaas qof, kadib markii ay dhaawaceen askari.

Weerar kale ayaa dhacay daqiiqado kadib, sida ay ciidamada sheegeen kadib markii baabuur u ku dhacay gaari milatari, isla goobta weerarkii hore. Ciidamada Israel ayaa kadib xabado ku furay oo dilay qofkii baabuurka waday. Laba askari ayaa sidoo kale halkaas lagu dhaawacay.

Weerarada isdaba joogga ah ee Falastiiniyiinta iyo xabadaha ciidamada Israel ay furayaan ayaa tan iyo bishii October dilay 184 qof oo Falastiiniyiin ah iyo 28 askari oo Israa’iiliyiin ah.

Dadka fallanqeeya arrimaha, ayaa weeraradan sabab uga dhigaya dhallinyarada Falastiiniyiinta ee dhibsanaya deegaanada Yahuuda ee kusii kordhaya dhulalka Falastiiniyiinta.

XS
SM
MD
LG