Isku xirrada

Baydhabo: 5 Qof oo Dil Lagu Xukumay


Magaalada Baydhaba, waxaa maanta xukun dil ah lagu ridday 5 qof oo lagu helay inay ka danbeeyeen labadii qarax ee magaaladaasi ka dhacay 28-kii bishii Febraayo ee ay ku dhinteen dad ka badan 50 qof.

Maxkamadda ciidamada ayaa sidoo kale saddex sano oo xarig ah ku xukuntay nin kale oo lagu xiririnayo qaraxyadii Baydhaba, halka ay maxkamaddu amartay in la sii daayo nin kale oo la soo qabtay.

Afar ka mid ah dadka dilka lagu xukumay ayaa ciidamada amnigu ay soo qabteen 29-kii Febraayo, kadib qaraxyadii ka dhacay magaalada.

Warbixintan waxaaa Baydhaba ka soo diray Mukhtaar Maxamed Catoosh.

XS
SM
MD
LG