Isku xirrada

War Deg-Deg ah

QM oo Meel Marisay Qaraar ka Dhan ah Ciidamo Eedeeyeysan


Golaha ammaanka ee Q.M., ayaa ayidey baaqa xoghayaha guud ee QM ee ahaa in laga musaafuriyo dalka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ciidamadii Q.M. ee lagu eedeyay inay geysteen gabbood fallo la xirira kufsi, xilli loo geeyay dalkaasi inay shacabka ilaaliyaan.

Jimcihii, ayay 14 xubnood oo qeyb ka ah goolaha qaraarkaasi meel mariyay.
Danjiraha Mareykanka ee Q.M. Samantha Power, ayaa sheegtay in qaraarkaasi uu caddeynaayo in shaqadooda ay tahay xaqiijinta in lala xisaabtamo dadka geysta tacaddiyada.

Waxaytilmaamtay in marka rag, haween iyo caruurba ay tacaddiyo u geystaan dad xiran koofiyadda baluugga ah oo loo direy dadkaasi inay ilaaliyaan ay tahay mid aan la aqbali karin.


XS
SM
MD
LG