Isku xirrada

Japan oo Lacag ugu Deeqday Soomaaliya


somalia map

somalia map

Hadalkan waxaa Muqdisho ka sheegay safiirka Japan ee Soomaaliya, oo heshiis arrintaas ku saabsan la saxiixay dowladda Soomaaliya.

Dowladda Japan ayaa maanta sheegtay inay Soomaaliya sannadkan ku taageerayso deeq lacageed oo dhan 38 malyuun oo Dollar.

Hadalkan waxaa Muqdisho ka sheegay safiirka Japan ee Soomaaliya, oo heshiis arrintaas ku saabsan la saxiixay dowladda Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu qabay munaasabadda lagu saxiixayey taageeradan cusub, taasi oo ay ka qeyb galeen wufuud ka socotay dalka Japan iyo madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale munaasabaddan lagu sheegay in dowladda Japan ay sanaddii tagtay ku saacidday Soomaaaliya lacag dhan 48 milyan oo dollar, oo la gaarsiiyey gobollo badan oo dalka Soomaaliya.

Warbixinta waxaa Muqdisho ka soo diray Jacfar Kuukaay.

XS
SM
MD
LG