Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Iran oo Difaacday Tijaabadii Gantaal oo ay Sameysay


Iran waxa ay sheegtay in tijaabada aysan xadgudub ku ahayn heshiiska barnamaijkeeda nuclear-ka ee ay sanaddii tagtay la gaartay lixda quwad ee aduunka.

Iran ayaa maanta sheegtay in barnaamijkeeda gantaalada riddada dheer iyo tijaabooyinka la xiriira ee ay sameysay toddobaadkan aysan xadgudub ku ahayn heshiiska barnamaijkeeda nuclear-ka ee ay sanaddii tagtay la gaartay lixda quwad ee aduunka.

Warbaahinta dowladda Iran, ayaa afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda dalkaas Hossein Jaberi-Ansari, kasoo xigatay in Iran ay sii wadi doonto barnaamijkaas, islamarkaana uu yahay mid sharci ah oo ay isku difaaceyso.

Waaxda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa walaac ka muujisay tijaabooyinka Iran ay sameysay talaadadii iyo arabacdii.

“Waan eegi doonnaa, waxaana qaadi doonnaa jawaab kasta oo arrintan ku haboon islamarkaana lagama maarmaan ah, annagoo u mareyna QM ama si kali ah u sameyneyna” waxaa sidaas yiri John Kirby oo ah afhayeenka waaxda arrimaha dibedda Mareykanka.

Iran waxa ay sheegtay in gantaalada ay arbacadii tijaabisay lagu qoray farriin ah “Israel waa in laga tiraa boggaga taariikha adduunka”.

XS
SM
MD
LG