Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka: Wiilal Soomaali ah oo Xabsi Laga sii Daayey


Dhallinyarada ayaa iyaga iyo dhowr iyo labaatan qof oo kale waxaa lagu soo eedeeyey inay ku lug lahaayeen arrimo la xariira ka ganacsiga dumar iyo xatooyo baabuur.

Maxkamadda magaalada Nashville ee dalka Mareykanka ayaa sii daysay saddex wiil oo walaalo ah, islamarkaana Soomaali ah, kuwaasi oo xirnaa muddo 4 sano ka badan.

Dhallinyarada ayaa iyaga iyo dhowr iyo labaatan qof oo kale waxaa lagu soo eedeeyey inay ku lug lahaayeen arrimo la xariira ka ganacsiga dumar iyo xatooyo baabuur.

Dambigii lagu soo eedeeyey dhallinyaradan ayaa xaakimkii maxkamadda uu sheegay inuu ahaa mid lasoo abaabuley sida ay warbaahinta gudaha Mareykanka wariyeen.

Sahra Abdi Ahmed ayaa khadka telefoonka ee Nashville kula xariirtey Yaasiin Cumar Hindi oo adeer u ah saddexda wiil ee Soomaalida ah ee lasii daayey, ugu horeyntiina waxay weydiisey waxay isku ahaayeen wiilashan?

Soomaali xabsi laga sii daayey
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:39 0:00

XS
SM
MD
LG