Isku xirrada

Ciidamada Koonfur Galbeed oo Qarax Lala Beegsaday


Qarax (Sawir hore)

Qarax (Sawir hore)

Qaraxan oo loo adeegsaday miinada dhulka ee meesha fog laga hago ayaa waxa ku dhintay hal askari, 7 kalena ay ku dhaawacmeen.

Ciidamada dawladda Koonfur Galbeed iyo kuwa dowladda Somalia ayaa baabuur ay saarnaayeen waxa maanta qarax lagula beegsaday duleedka magaalada Baydhaba.

Qaraxan oo loo adeegsaday miinada dhulka ee meesha fog laga hago ayaa waxa ku dhintay hal askari, 7 kalena ay ku dhaawacmeen.

Wararka ayaa sheegaya in ciidankani uu ka baxay magaalada Baydhaba, kuna sii jeeday xerada Daynuunaay oo inta badan lagu tababaro ciidamada maamul Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxan.

Ma aha markii ugu horeysay ee ururka Al-Shabaab uu weeraro noocan oo kale ah uu ku qaado ciidamada dawladda Somalia iyo maamulka Koonfur Galbeed.

XS
SM
MD
LG