Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabaab oo Qiratay Weerarka Mareykanka


Afhayeen u hadlay al-Shabab ayaa sheegay in duqayntaasi jirto, hase yeeshe waxa uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegya in laga badbadiyey khasaaraha halkaasi ka dhacay.

Ururka Al-Shabab ayaa qirtay in Maraykanka ay duqayn ka gaysteen degaanka Raso ee ka tirsan gobolka Hiiraan.

Afhayeen u hadlay al-Shabab oo lagu magacaabo Cabdulcasiis Abu Muscab ayaa sheegay in duqayntaasi jirto, hase yeeshe waxa uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegya in laga badbadiyey khasaaraha halkaasi ka dhacay.

Afhayeenku ma sheegin tirada maleeshiyada halkaasi ku dhimatay.

Maraykanka ayaa sheegtay in duqayn dhinaca cirka ah oo fiidnimadii Sabtida lala beegsaday xero tababar oo ay Al-Shabab ay ku lahaayeen halka lagu magacaabo Raso ay ku dhinteen ilaa 150 mintiidiin ah.

Maraykanku waxa uu sheegay in maleeshiyada halkaasi lagu ururinayey ay halis ku ahaayeen amniga ciidamada Maraykanka iyo kuwa midowga Afrika.

Korneel Maxamed Cumar Cabdulle oo ah Taliyaha Guutada Tobnaad ee ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa VOA u sheegay inay heleen warar sheegaya in laba taliye oo ka tirsan saraakiisha Al-Shabab ay ka mid ahaayeen dadka ku dhintay weerarka.

Korneel Maxamed Cumar ayaa sheegay in saraakiisha dhimatay uu ka mid ahaa Yuusuf Cali Ugaas oo ugu qaabilsanaa dhinaca ciidamada Hiiraan iyo Shabeella Dhexe ururka Al-Shabaab.

Dadka goobjogayaasha aha ayaa VOA u sheegay in diyaradaha weerarka gaystay ay maalintii Sabtidii ay gaafa wareegayeen degaanka ka hor intii aysan weerarka gaysan isla fiidnimadii.

Diyaaradahan ayaa la sheegay inay laba jeer kor mareen goobta kadibna ay duqeeyeen iyagoo markiiba dhowr gantaal ku riday goobta.

Dadka degaanka oo codasaday inaan magacooda la sheegin ayaa VOA u sheegay in ilaa afar baabuur oo dhaawacyo ay ku jiraan ay Al-Shabab geeyeen cisbitaallo macmal ah oo ay ku leeyihiin degaanno ku yaalla Hiiraan.

Khubarada milatariga Soomaalida ee ku sugan Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Al-Shabab ay halkaasi iskugu keeneen in ka badan 700 maleeshiyo ah kuwaasi oo meelo kala duwan tababarro kusoo qaatay ka hor inta aan la iskugu keenin goobtaas oo ay ay xafladi ka socotay.

Dadka degaanku waxay sheegeen inay saraakiil ka tirsan ururka Al-Shabab oo iskugu jira kuwo dhinaca ciidamada ah iyo saraakiil kale ay ka mid yihiin dadka ku dhinttay ama ku dhaawacmauy weerarkan.

XS
SM
MD
LG