Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Heshiis Waxbarasho oo Kismaayo Lagu Saxiixay


Caynte
Caynte

Heshiiskan oo ku kacaya 11 milyan oo dollar, ayaa waxaa kala saxiixday wasiirka qorsheynta Soomaaliya, Maamulka Jubbaland iyo Midowga Yurub.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Maamulka Jubbaland iyo Midowga Yurub ayaa maanta magaalada Kismaayo ku kala saxiixday heshiis ku saabsan waxbarashada, wax ka qabashada aafooyinka abaaraha iyo shaqo abuuris.

Heshiiskan oo ku kacaya adduun dhan 11 Million oo Euro, ayaa diiradda lagu sarai doonaa dhalinyarada ku nool Deegaanada Jubbooyinka.

Heshiiskaan ayaa waxaa si wadjir ah u wada saxiixay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, Wasiirka Qorsheynta iyo Xidhiidhka caalamiga ee dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Ceynte iyo Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Michele Cervone d'Urso.

Wariyaha VOA ee Kismaayo Khadar Maxamud Xareed ayaa waxaa uu heshiiskaasi uu ka wareystay Wasiirka Qorshaynta iyo Xidhiidhka Caalamiga ee Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Ceynte.

Heshiis ka dhacay Kismaayo
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:01 0:00

XS
SM
MD
LG