Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Australia oo Qabtay Doon Hub u Siday Somalia


Hub
Hub

Hubkan ayaa isugu jira ku dhawaad laba kun oo qori oo nooca AK47 iyo boqol gantaalaha garbaha laga tuura ah, iyo noocyo kale.

Ciidamada Badda ee Australia ayaa sheegay inay qabteen hub fara badan oo saarnaa doon kaluumeysi oo aan calan wadanin oo ku sii jeeday Somalia, xilli ay mareysay meel ku dhow xeebaha dalka Cumaan.

War qoraal ah oo maanta oo Isniin ah ka soo baxay ciidamada badda ee Australia ayaa lagu sheegay in markabka ciidamada badda ee Australia ee qeybta ka ah ciidamada caalamiga ah ee gaaf wareegga biyaha badweynta India ay hubkaasi gacanta ku dhigeen.

Hubkan ayaa sida qoraalka lagu sheegay isugu jira ku dhawaad laba kun oo qori oo nooca AK47 iyo boqol gantaalaha garbaha laga tuura ah , 49 qoryaha darandooriga u dhaca ee PKM iyo rasaas ay hoobiyeyaal ku jiraan.

Somalia waxaa saarnaa cunaqabateyn dhinaca hubka ah tan iyo sanadkii 1991-kii.

Warbixinta Ciidamada badda ee Australia laguma sheegin cidda uu u socday hubkaas oo lagu soo dhex qariyay shabaagta kalluumeysiga.

XS
SM
MD
LG