Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Clinton iyo Trump oo Wali Hogaanka Doorashada Haya


Shan gobol oo Maraykan ah ayaa Sabtidii shalay laga qabtay doorashadii horudhaca ahayd ee madaxtinimada Maraykanka.

Jamhuuriyiinta ayaa ku baratamay afar gobol oo kala ah Louisiana, Kentucky, Maine iyo Kansas. Ganacsade Doland Trump oo dhinaca Jamhuuriga ka socda ayaa ku guuleystay gobolada Louisiana iyo Kentucky. Halka Ted Cruz-na uu ku guuleystay gobolada Maine iyo Kansas. Labada tartame ee kale ee Marc Rubio iyo John Kasich ayaanan iyagu wax guul ah keenin.

Tirada codadka la helay ee doorashadii shalay waxaaa ku badnaa Ted Cruz, hase yeeshee, waxaa wali hogaanka haya Doland Trump oo haysta 378 wafdi, waxana ku xiga Ted Cruz oo haysta 295 wafdi. Tirada wufuudda xisbig Jamhuuriga ee guusha kama dambeysta ah lagu gaarayo ayaa ah 1,237 wafdi.

Dhinaca xisbiga Dimoqraadiga, doorahadu waxay ka dhacday saddexda gobo lee Kansas, Nebraska, iyo Louisiana. Senator Bernie Sanders ayaa ku guuleystay gobolada Kansas iyo Nebraska, halka Hillary Clinton ay guul weyn ka soo hoysay gobolka Louisiana.

Clinton ayaa iyadu heshay tiro wufuud ah oo aad uga badan kuwa Bernie Sanders, waxayna taasi tirada wufuudda ee ay haysato ka dhigeysaa 1,121, halka Sanders uu ka haysto 479 wafdi. Tirada wufuudda ee guusha lagu gaarayo ee xisbiga Dimqoraadiga ayaa iyadu ah 2,383 wafdi.

XS
SM
MD
LG