Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Turki: Ciidan Weeraray Xarrunta Wargeysa Zaman


Ciidamo sunta dadka ka ilmeysiisa iyo biyo xooggan ku furaya dad xarrunta wargeyska ku muddaaharaday
Ciidamo sunta dadka ka ilmeysiisa iyo biyo xooggan ku furaya dad xarrunta wargeyska ku muddaaharaday

Saraakiil Turkiyiin ah ayaa u dhacay xafiiska wargeyska Zaman ee Turki Jimcihii shalay, kaas oo ka mid ah wargeysyada ugu waaweyn ee dalka Turkiga. Howlgalkan ayaa ka dhan ah warbaahinta mucaaradka taageerta ee dalka Turkiga.

Dad muddaaharaad sameynaya, ayaa irridda xarrunta wargeyska isugu yimid, waxana boolisku ay u adeegsadeen sunta dadka ka ilmeysiisa iyo biyo xooggan, kuwaas oo jabiyay xarrunta islamarkaasina gudaha u galay si ay uga saaraan shaqaalaha iyagoo markaa kadibna meesha geeyey guddi ay maxkamadi magacowdey.

Tifatiraha wargeyska Abdulhamit Bilici oo la hadlay shaqaalaha ka hor inteysan boolisku xarruntooda galin, ayaa Jimcihii shalay ku tilmaamay maalin u madow dimuqraaddiyadda.

XS
SM
MD
LG