Isku xirrada

Faaqidadda Toddobaadka: Amniga Soomaaliya


Somalia

Somalia

Barnaamijka Faaqidaadda waxa uu ku saabsan yahay amniga sii xumaanaya ee magaalooyin badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya.

Dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalooyinka Muqdisho , Baydhaba iyo meelo kaleba waxaa toddobaadkii la soo dhaafay ka dhacay qaraxyo xooggan oo ay dad badan ku dhinteen.

Qaraxyadan ayaa muujinaya in wali dowladda Soomaaliya ay u caal la’dahay inay wax ka qabato dhinaca amniga. Haddaba, maxaa lagu macnayn karaa qaraxyadan? Sideese looga hortagio karaa?

Waa mowduuca barnaamijkeena Faaqidaadda Toddobaadka, waxaana ka qeyb galaya oo falanqeynaya arrimahaasi, Maxamed Axmed Diiriye, guddoomiye kuxigeenka Gobolka Benaadir ee arrimaha amniga iyo siyaasadda, Prof. Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo macallin ka ah jaamacadda Nairobi, iyo Cumar Suleymaan Cali oo ka mid ahaa saraakiishii hore ee ciidamada cirka Soomaaliya, sidoo kalena la soo shaqeeyay hay’adda nabad-sugida Somalia.

Waxaa barnaamijka soo jeedinaya Cabdicaziiz Xuseen Cusmaan.


XS
SM
MD
LG