Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay waxaa xiisad ay ka dhex oogneyd dad ka ashtakoonayay dhaawac halis ah oo ay booliska magaalada Salt Lake ee gobolka UTAH ay u geysteen wiil 17 jir ah oo Soomaali ah oo qoyskiisa qaxootinimo ay ku tageen gobolkaas.
Xiisaddan ayaa salka ku heysa toogashooyin xiriir ah oo booliiska ay u geysteen dhallinyaro madow ah, kuwaasoo dhaliyay in booliska lagu eedeeyo inay adeegsadaan awoodo xad dhaaf ah.
Aden Bataar, waxa uu madax ka yahay hey’adda dib u dejinta Qaxootiga ee Catholic Community Services oo ah hey’addii qaxotinimada dalkan ku keentay qoyska wiilkan yar ee Soomaaliga ah ee ay Boolisku dhaawaceen.
Wariyeheenna Maxamed Colaad Xasan ayaa khadka taleefanka ee Salt Lake City kula xiriiray, wuxuuna ugu horeyn weydiiyay sida ay ku billaabatay dhacdadan.